Thursday, August 28, 2025

Ciidamada Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo howlgal qorsheysan ka wada G/Jubbada Hoose

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Jubbaland iyo kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgal qorsheysan oo ballaaran ka fuliyay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday xarumo iyo goobo ay ku sugnaayeen kooxaha argagixisada, waxaana ciidamada ay guulo la taaban karo ka gaareen, iyagoo burburiyay xarumo muhiim ah oo ay kooxdaasi u adeegsanayeen qorshayaal amni darro iyo weerarro.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa tilmaamay in uu qeyb ka yahay qorshayaasha joogtada ah ee lagu sugayo nabadda iyo xasiloonida deegaanada Jubbaland. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada iyo ciidamada, taas oo horseed u noqotay guusha howlgalkan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 27/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Canshuurihii Hindiya ee Donald Trump ku soo rogay oo dhaqan galay

Konton boqolkiiba canshuuraha Maraykanku uu ku soo rogay badeecadaha...

MW Xasan Sheekh oo la kulmay Agaasimaha Sirdoonka Sudan

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada...

Mareykanka oo sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Jubbaland

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay...

R/wasaare Xamsa oo tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong, Ningxia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Ciidamo gadoodsan oo xirtay laamiga Kalabayr ee Boosaaso

Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa saaka laamiga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles