Sunday, June 1, 2025

Ciidamada DF iyo rag hubeysan oo galbinayay Meydka Gen Sheegow oo isku rasaaseeyay Muqdisho

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii ay rasaas ku fureen Ciidamo Dowlada ka tirsan Dad Galbinaayay Meydka Jeneraal sheegow Axmed Cali.

Meydka Gen. Sheegoow ayaa maanta loo qaaday Magaaladda Jowhar, iyadoona salaada Janaasada lagula tukaday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyeen sida ay wax u dhaceen.

Waxaa maanta lagu wadaa in lagu aaso duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Marxuumka ayaa salaadda Janaazada lagula dukaday isbitaalka Digfeer, waxaana ka qayb-galay Janaazada guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Liibaan Cali Yarow, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo beeshiisa ka soo jeedo.

Qaar kamid ah ehellada oo ka hadlay aaska marxuumka ayaa sheegay in maydkiisa la gayn doono Jowhar oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo, laguna aasi doono halkaasi.

Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidan uu watay iyo ciidamada dowladda. Qabashadiisa kaddib, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku jiray xabsiga ku yaalla Muqdisho.

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles