Friday, January 30, 2026

Ciidamada dowlada iyo Macawisleyda oo weeraray deegaanka Fiidow ee gobolka Sh/dhexe

Ciidamada xoogga dalka ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa Macawisleyda ayaa weerar ku qaaday deegaanka Fiidow oo ku yaal xadka kala qeybiya gobolka Sh/dhexe iyo gobolka Hiiraan.

Weerarkan ayay ciidamada Milatariga iyo kuwa Macawisleyda ugu suurtogashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Fiidow kadib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.

Ciidamadii huwanta eeka socday dowlada iyo kuwa Macawisleyda ayaa u suurtogashay inay ka soo badbaadiyaan xabsi ku yaala deegaanka Fiidow dhalinyaro ay doonayeen argagaxisada Alshababa inay si qasab ah u askareeyaan.

Hase yeeshee qaar ka mid ah dhalinyarada ku jirtey xabsigaas ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo iyadoo wararka ay sheegayaan in mid ka mid ah uu halkaas ku dhintey halka qaar kale oo dhaawacyo soo gaarayna la geeyay isbitaalka magaalada Jowhar halkaas oo lagu dabiibayo.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in dhalinyarada ku jirtey xabsiga Alshabaab ay ahaayeen kuwo ay Alshabaab ka soo qabqabteen deegaano ay ka mid yihiin Dhumaley,Dhaaygawaan iyo Baraki oo ku yaal dhinaca galbeed ee magaalada Jowhar.

Dhalinyaradan ayaa waxaa ay isugu jireen kuwo beeralay ah iyo qaar kale oo xoolo dhaqato ah kuwaasoo kooxda Alshabaab doonayeen inay u dagaalamaan maadaama haatan ay soo wajahday weeraro dhinacyo badan ugaga imanaya.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Dheereo o ka mid ah saraakiishii howlgalkan hogaaminayay ayaa sheegay inay ka xun yihiin inwaxyeelo soo gaartay dhalinyaradii ay afduubka ku haysteen kooxda Alshabaab.

WARARKII KALE

Somalia Cybersecurity Forum Opens in Mogadishu: What You Need to Know

The Third National Cybersecurity Forum officially opened today in...

Somalia’s Gudmo-Biyo-Cas Forest Wealth: What You Need to Know

In the western highlands of the Sanaag region in...

Somali Dog Caregiver Faces Fear and Rejection: What You Need to Know

While Aadan Abdullahi Ali devotes himself wholeheartedly to the...

Digital Abuse of Somali Women: Why This Growing Harm Matters

Sometimes people think it’s normal to write a mean...

Beyond Remittances: The Modernization of Somalia’s Financial Frontier

After decades of state collapse, Somalia’s financial system is...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles