Wednesday, January 7, 2026

Ciidamada Ethiopia oo faragaliyay dagaal Beeleedka Luuq

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuna sugan gobolka Gedo ayaa si toos ah u faro-geliyay dagaal beeleedka degmada Luuq, kadib markii ay dowlad goboleedka Jubbaland ku wareejisay amniga guud ee degmadaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa door way ka qaatay sugidda amniga intii uu socday dadaalka nabadeed ee uu halkaas ka waday madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaga oo la wareegay amniga hoolka la’isugu keenay beelaha.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa haatan isku ballaariyay qaybo badan oo kamid ah degmada Luuq, si ay uga hortagaan dagaal mar kale ka dhaca gudaha degmadaasi.

Maxamuud Sayid Aadan oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Itoobiya oo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta sadexaad ee howlgalka ATMIS Besfat Fente iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka ATMIS ayaa kala hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada amniga, howlgalada kasocda deegaanada Jubaland ee lagu ciribtirayo Khawaariijta iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada ATMIS.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay Jubbaland kasoo saartay shirkaasi.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in guddi gaar ah loo xil-saarayo soo qiimeynta hantidii lagu gubay Suuqa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayada oo uu guddigaas diyaariyo qorshaha lagu gacan-qabanayo Dadkaas.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah isugu yeertay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa (AU PSC)

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay Gedo

Ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay, inay howlgal...

Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles