Wednesday, March 4, 2026

Ciidamada xoogga iyo Al-shabaab oo ku dagaalamaya Masaajid Cali Gaduud

Wararka laga helayo Gobolka SH/Dhexe ayaa sheegaya inuu Dagaal culus ka socdo degaanka Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidamada xoogga Dalka.

Sida ay wararku sheegayaan, dagaalka ayaa ku bilowday weerar ay ciidamada xooga dalka ee isugu jira Danab iyo Gorgor ku qaadeen degaanka Masaaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelada dhexe oo halkaasi ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Wararka laga helayo dadka degaanka iyo ciidamada degaanka ayaa sheegaya inay Ciidamada dowladda ay dib u qabsadeen degaanka muhiimka ah ee Masajid Cali-Gaduud, iyadoo dagaal looga saaray Alshabaab.

Dadka degaanka ayaa noo xaqiijiyay inay  Ciidamada xoogga dalka ee Danab iyo Gorgor ay gudaha u galeen, iyadoo dagaalkuna weli socdo.

Weerkan ayaa yimid, kadib  diyaar garow ay maalmahan wadeen ciidamada dowladda oo mar kale isu diyaariyay inay dib ula wareegaan degaanadii Alshabaab hore u qabsadeen.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Ciidamada XDS, Daraawiishta Dowladda Hirshabeelle, iyo Ciidanka xaq-u dirirka ee dadka deegaanka ayaa si buuxdo ula wareegeen degaanka Masjid Cali Gaduud, isla markaana Alshabab lagu gaarsiiyay jab aad u culus.

Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ay wadaan howlgallo  oo lagu nadiifinayo magaalada Masaajid Cali gaduud.

Weerarka ay maanta ciidamada dowladda  qaadeen ayaa ka mid ah qorshaha dib-u-xoreynta guud ee gobolka Sh/Dhexe.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles