Tuesday, July 1, 2025

Ciidamo iyo wafdi hor dhac u ah RW xamsa oo gaaray lascanood.

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Diyaarad gaar ah oo siday wafdiga horudhaca u ah safarka Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo ciidamada ilaalada gaarka ah u ah ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood, waxaana wafdiga iyo ciidanka la socda la geeyay goobaha loogu tala galay in la dejiyo Xamse Barre.

Ciidamada ayaa baaritaanno kusii sameenaya siina adkeenaya amniga goobaha loogu tala galay in Ra’isul Wasaare Xamse Barre la dejiyo sidoo kale la geeyo, waxa ay sidoo kale wafdiga horudhaca ah sii diyaarinayaan qorshaha safarka Xamse.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu wadaa in uu tago magaalada Laascaanood, waxa uuna halkaasi kulamo kala duwan kula qaadan doonaa madaxda maamulka Khaatumo, garaadada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Safarka Xamse Barre ku tagayo magaalada Laascaanood, ayaana ah mid si weyn loo wada sugayo, waxaana safarkaasi si weyn uga soo horjeeda ugana digtay in Laascaanood yimaado Ra’isul Wasaare Xamse maamulka Somaliland oo horey magaaladaasi looga saaray.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

RW Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo...

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulamaya Madaxda dalka Tanzania

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Badda Midowga Yurub oo shir xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Ciidanla Booliska dowladda Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles