Waxaa maanta lagu wadaa inuu dalka Kenya ka dhaco banaanbax ballaaran oo rabshado wata, kaas oo ay abaabuleen kooxo mucaarad ah oo ka soo horjeeda siyaasadaha dowladda.
Banaanbaxyadan ayaa kusoo aadaya xilli ay sare u kacday cabashada shacabka ee la xiriirta sicir-bararka, musuqmaasuqa, iyo cadaalad-darrada ka jirta nidaamka dowladda.
Wararka laga helayo magaalada Nairobi iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ayaa sheegaya in la adkeeyay amniga, iyadoo ciidamada booliiska iyo kuwa milaterigaba lagu daadiyay waddooyinka muhiimka ah.
Waxaa jira cabsi laga qabo in banaanbaxyadu isu beddelaan rabshado, sida ay horey u dhacday.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Nairobi, ayaa muujiyay walaac weyn oo ku aaddan ammaankooda iyo hantidooda.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in xarumaha ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed horay loogu bartilmaameedsaday falal bililiqo ah marka ay dhacaan mudaaharaadyo noocan ah.
Dowladda kenya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ee dalka kenya.


