Wednesday, June 17, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Masar oo maanta kulmaya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo dhigiisa dalka Masar Cabdul Fatax Al-sisi.

Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.

Sidoo kale labada dhinacyada ayaa waxaa ay ka wadahadli doonaan xaalada Gobolka, gaar ahaan xiisada ku aadan webiga Nile, ee u dhexeeya dalalka Masar iyo Soomaaliya.

Labada masuul ayaa sidoo kale ka hadli doono ciidamada Masar.

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles