Monday, July 20, 2026

Ciidamo la dhigay goobaha ganacsiga ee Soomaalida iyo banaanbax laga cabsi qabo inuu ka dhaco Nairobi

Waxaa maanta lagu wadaa inuu dalka Kenya ka dhaco banaanbax ballaaran oo rabshado wata, kaas oo ay abaabuleen kooxo mucaarad ah oo ka soo horjeeda siyaasadaha dowladda.

Banaanbaxyadan ayaa kusoo aadaya  xilli ay sare u kacday cabashada shacabka ee la xiriirta sicir-bararka, musuqmaasuqa, iyo cadaalad-darrada ka jirta nidaamka dowladda.

Wararka laga helayo magaalada Nairobi iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ayaa sheegaya in la adkeeyay amniga, iyadoo ciidamada booliiska iyo kuwa milaterigaba lagu daadiyay waddooyinka muhiimka ah.

Waxaa jira cabsi laga qabo in banaanbaxyadu isu beddelaan rabshado, sida ay horey u dhacday.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Nairobi, ayaa muujiyay walaac weyn oo ku aaddan ammaankooda iyo hantidooda.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in xarumaha ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed horay loogu bartilmaameedsaday falal bililiqo ah marka ay dhacaan mudaaharaadyo noocan ah.

Dowladda kenya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ee dalka kenya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles