Ciidanka dowladda oo xalay weerar ku qaaday fariisamo ay Al-shabaab ku laheyd Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Deegaanka, ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday fadhisimada maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku yaal dhulka howdka ah ee u dhexeeya deegaanada Cali-heelle iyo Ciid-Kuus ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa ahaa mid si degdeg ah u fulay, waxaana la burburiyay fadhiyo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka sameysteen deegaanadaas maalmihii la soo dhaafay.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay in weerarku sababay in 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dhinteen, iyadoo sidoo kale lagu burburiyay saldhigyo ay kooxda Al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa sii waday howlgallada si loo xakameeyo xoogagga Al-shabaab ee gobolka, waxaana sidoo kale la sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay joojiyaan qorshayaasha weeraro ee Al-shabaab ee ka imaanayay deegaanadaas.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa sheegaya inay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab si loo xasilinayo gobolka Galgaduud.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles