Saturday, February 28, 2026

Ciidanka Israa’iil oo hawlgal balaaran ku qaaday daanta Galbeed ee la heysto

Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku shaaciyay in ay billaabeen howlgal ballaaran oo militari oo ka socda waqooyiga daanta galbeed ee la haysto.

Bayaanka ayaa u qornaa sidan, “Habeenkii Talaadada, IDF, Shin Bet (amniga gudaha), iyo Booliska xuduudaha waxay bilaabeen hawlgal ballaaran oo looga hortagayo argagixisada waqooyiga daanta galbeed”.

Ciidamada Israa’iil oo ka jawaabayay su’aal ay weydiisay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid cusub oo aysan qeyb ka ahayn howlgalkii ay billaabeen bishii Janaayo.

Ilo wareedyo maxalli ah ayaa ku warramaya in ciidamada Israa’iil ay gudaha u galeen magaalada Tubas aroornimadii hore ee maanta oo Arbaca ah, taasi oo qayb ka ah olole ciidan, iyagoo hawlgalo balaaran ku qaaday tobonaan guri, isla markaana su’aalo waydiinayay dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa la sheegay in guryaha qaar ay ka dhigteen fariisimo ciidan. Ilo wareedka ayaa intaa ku daray in ciidamada Israa’iil ay soo rogeen xayndaab dhanka amaanka ah ayna ka hortagayaan dhaq dhaqaaqa magaalada gudaheeda.

Wakaaladda wararka ee Falastiiniyiinta – WAFA – ayaa sheegtay in ciidanka Israa’iil ay xirxireen tiro falastiiniyiin ah intii uu socday hawlgal milateri oo laga sameeyey wilaayada Tubas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Cali Balcad oo muxuu ka yiri shir looga hadlay Qadiyada Falastiin ee ka dhacay Sacuudiga

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar...

Daa’ud Aweys “Taageerada Turkiga waxay xoojisay dagaalka Al-Shabaab”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac...

Burcad-badeed ku fashilantay afduub dooni Iiraan laga leeyahay oo ka dhacay xeebaha Eyl

Koox burcad-badeed ah oo ka baxday deegaanka Maraya ee...

Golaha Mustaqbalka iyo Shirka Difaaca Dastuurka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Golaha Mustaqbalka oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha kala...

Ciro oo ka hadlay aqoonsiga Israa’iil iyo dagaalka ka dhacay Sanaag

Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay kulan afur iyo casho-sharaf isugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles