Wednesday, July 22, 2026

Uganda oo Joojisay Aqoonsiga Qaxootiga ee Soomaalida iyo Dalal Kale

Wasiirka Gargaarka, Masiibooyinka iyo Qaxootiga Uganda, Hilary Onek, ayaa ku dhawaaqay in dowladdu joojisay bixinta aqoonsiga qaxootinimo ee dadka kasoo carara dalal aysan ka jirin dagaallo muuqda, gaar ahaan Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Talaabadan ayaa ka dambeysay, kadib markii taageerada deeq–bixiyayaasha ay si weyn hoos ugu dhacday, maadaama Qaxootiga cusub ee soo galaya Uganda ay wali si joogto ah usoo badanayaan, islamarkaana Uganda ay hadda martigelinayso in ka badan laba milyan oo qaxooti ah

Wasiir Onek wuxuu amray in aan la diiwaangelin qaxooti cusub oo ka imaanaya dalalka aan dagaalladu ka jirin, isagoo yiri:
“Ma jiro wax dagaal ah oo halkaas ka socda, sidaas darteed aqoonsi ma siinayno dadka ka yimaada Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.”

Wasiir Onek ayaa sheegay in tirada qaxootiga Uganda ay marayso laba milyan, halka maalin walba ay yimaaddaan boqolaal cusub oo badankood kasoo cararaya DRC iyo Koonfurta Suudaan. Wuxuu sheegay in Uganda ay la hadlayso dowladaha ay colaadaha ka dhacaan si loo helo nabad waarta oo u saamaxda qaxootiga inay dib ugu laabtaan dalalkooda.

Isagoo ka hadlayay culayska dhaqaale ee Uganda heysata ayuu yiri: “Siyaasaddeena furfuran ee qaxootiga waxay u ogolaanaysaa inay shaqeystaan, ganacsadaan, oo helaan adeegyada muhiimka ah, laakiin dhaqaale ahaan aad ayay noogu culus tahay.” Wuxuu sheegay in Uganda ay sannadkii ku bixiso in ka badan Shs2b baahiyaha qaxootiga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in UNHCR ay sanadkii hore siin jirtay Uganda $240 milyan, balse taageeradaas ay hadda hoos ugu dhacday wax ka yar $100 milyan iyadoo tirada qaxootigu korodhay. Sanadkan, ayuu yiri, Uganda waxa ay heshay oo keliya $18 milyan, taas oo ka dhigtay xaaladda mid aad u adag.

Uganda ayaa martigelisay 51,845 qof oo ah qaxooti Soomaalieyed sida ay muujinayaan xogaha ugu dambeeyay ee la shaaciyay. Tiradan Soomaalida ah waxay ka mid yihiin qiyaastii 3.3% guud ahaan qaxootiga ku sugan Uganda.

WARARKII KALE

Cameroon iyo Gabon oo ku Baaqay in la soo Afjaro Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Dalalka Cameroon iyo Gabon ayaa ku baaqay in Midowga...

Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyay Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu soo gudbiyay Madaxweyne...

Booliska Itoobiya oo xiray 17 tuhmanayaal ah oo ku eedeysan tahriibinta dadka

Booliska dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay...

Trump oo ku hanjabay inuu weerari doono xarumaha nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ah

Maraykanka ayaa weerarro ku qaaday Iiraan habeenkii 11-aad oo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo DF ku eedeeyay Colaadda Boosaaso

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isku magacaabay...

PSF oo Puntland ku eedeysay in dagaalka ay u adeegsatay Diyaarado Drones ah

Ciidamada PSF ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles