Tuesday, March 3, 2026

Ciidanka Jubbaland oo ka hortagay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Raskambooni

Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay howdka fog ee deegaanka Raas-Kaambooni, oo hoos yimaada degmada Badhadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan ayaa dhacay kadib markii maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ay isku dayeen weerar fashilmay oo ay ku qaadaan deegaanka Oodoow, balse ciidanku si degdeg ah uga falceliyeen.

Ciidanka ayaa raacday raadadka kooxda tan iyo xalay, ugu dambeyntiina waxay gaareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen, halkaas oo ay ku burburiyeen xarumo iyo meelihii ay ka samaysteen saldhigyada.

Saraakiisha ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa guul buuxda, isla markaana lagu fashiliyey qorshihii weerarka ee Al-Shabaab.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles