Ciidanka Jubbaland oo ka hortagay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Raskambooni

Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay howdka fog ee deegaanka Raas-Kaambooni, oo hoos yimaada degmada Badhadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan ayaa dhacay kadib markii maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ay isku dayeen weerar fashilmay oo ay ku qaadaan deegaanka Oodoow, balse ciidanku si degdeg ah uga falceliyeen.

Ciidanka ayaa raacday raadadka kooxda tan iyo xalay, ugu dambeyntiina waxay gaareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen, halkaas oo ay ku burburiyeen xarumo iyo meelihii ay ka samaysteen saldhigyada.

Saraakiisha ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa guul buuxda, isla markaana lagu fashiliyey qorshihii weerarka ee Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles