Tuesday, March 3, 2026

Ciidanka Kenya oo rasaas ku furay xerada Qaxootiga ee IFO oo ay ku jiraan Soomaalida

Ugu yaraan afar qof oo qaxooti ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii ciidamada booliska ee ilaalo ka hayay xarun lagu qaybinayay gargaar ay fureen rasaas, xilli rabshado ay ka dhasheen isbuurasho ka dhacday xerada qaxootiga ee Ifo, hoos taga Dadaab, gobolka Garissa.

Falkan ayaa waxaa uu ka dhacday xarun loogu talagalay qaybin gargaar oo la xiriiray munaasabadda Ciidul Adxaa, halkaas oo ay isugu soo baxeen dad lagu qiyaasay 700 oo qof. Sida ay sheegeen booliiska, dadkii goobta isugu yimid ayaa aad uga badnaa tiradii loogu talagalay.

Warbixin ay booliisku siiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah dadkii isugu yimid goobta ay ku hanjabeen in ay weerarayaan ciidankii ilaalo ka hayay xarunta, taasoo keentay in boolisku furaan rasaas si ay u kala eryaan dadka, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Rsaasta ayay fureen ciidamada ayaa sababtay dhaawaca afar qof oo Soomaali ah, kuwaas oo loo qaaday Isbitaalka Laanqeerta Cas ee Dadaab, ka hor inta aan loo wareejin Isbitaalka Garissa County Referral Hospital si loo sii daaweeyo.

Booliska ayaa sheegay in baaritaan dhameystiran lagu wado dhacdadaas, si loo ogaado sida saxda ah ee ay u dhacday, cidda kicisay rabshadda, iyo in askarta falka sameysay ay la kulmi doonaan tallaabo haddii ay lagama maarmaan noqoto.

Xeryaha qaxootiga ee Ifo oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla gobolka ayaa hoy u ah in ka badan 200,000 oo qaxooti Soomaali ah, taasoo mararka qaar keenta caqabado dhinaca maamulka iyo sugnaanta amniga ah, gaar ahaan xilliyada loo qaybinayo gargaarka bani’aadamnimo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles