Friday, February 7, 2025

Ciidanka PMPF oo howlgal culus ka wada Buuraha Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaan ciidamada PMPF ee qaybta ka ah ciidamada fulinaya hawl-galka Hilaac ee ka ciribtiraya kooxda Daacish Buuralayda Puntland ayaa gulufyo dar-dar xooggan leh ka fuliyey qaybo ka mid ah deegaanno ku teedsan buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Sidoo kale ciidamadu waxa ay hawlgallo gaar ah ka fuliyeen deegaannada Tuulo Ciise, Raybi Diriqle, Dooxo Gibin iyo guud ahaan buuraha iyo togagga ku teedsan magaalada Timirshe ee degmada Iskushuban.

Ciidamadu intii ay ku jireen hawl-galka waxay tog-walba, geed-walba, buur-walba iyo meelkasta ka fuliyeen gulufyo qorshaysan sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay.

Puntland ayaa ku dhawaaqday inay ku jirto dagaal heer Caalami ah, oo ay hoggaaminayaan Argagixisada dunida ugu halista badan ee Daacish.

Qoraal ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee shalay ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ku jirto dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah oo isaga yimid dunida daafaheeda, islamarkaana ay hoggaaminayaan ajaaniib halis ah.

β€œDowladda Puntland waxay kujirtaa dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah, waad ogtihiin in xalay , Maraykanka sida laamahooda Amnigu sheegeen, in nin ka tirsan ISIS/Daacish weerar gaari ku dilay 15qof, sidaasi darteed waa dhacdo la mid ah hawlgalka dharjaale oo aynu argagixisada ISIS/Daacish ku jebinnay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoojiyay Baaqa Golaha XFS Ee Dagaalka Ka Dhanka Ah Daacish

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 06/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Donald Trump oo sheegay in Israa’iil ay ku wareejin doonto Qaza Mareykanka,

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay...

Wararkii ugu danbeeyay ee colaadda Sudan

Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay...

Firdhiye oo furay dugsiga tababarka ciidanka Daraawiishta SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyay Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles