Thursday, July 31, 2025

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay gaari sahay u siday Daacish iyo raggii waday

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay gaari nooca Dhaynta ah oo raashin iyo qalab tamarta cadceedda ah u waday kooxda Daacish ee ku sugan togga Baallde, halkaas oo ay ciidamadu horey uga sameeyeen go’doomin dhinac walba ah.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Biyo Kulule, oo u dhaxeeya magaalada Boosaaso iyo aagga Baallde, iyadoo ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen laba nin oo dhalinyaro ah oo la socday gaariga. Sida lagu sheegay war kooban oo ay soo saareen laamaha amniga, raggan ayaa lagu tuhunsan yahay inay si qarsoodi ah u wadeen sahayda, si ay ugu gaarsiiyaan Daacish meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Wararka laga helay gudaha kooxda Daacish ayaa muujinaya in ay ka dhammaadeen keydkii raashinka iyo dawooyinka, taas oo sababtay in ay sahaydo ka dalbadaan magaalada Boosaaso, xilli ay wajahayaan cadaadis xooggan oo kaga imaanaya ciidanka Puntland.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in xubnaha Daacish haatan isugu urureen saddex aag oo kala ah: Il-Abbal, Yucrin, iyo Maraagade, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla togga Baallde, oo 20km u jira magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan gulufka ka dhanka ah kooxdaasi, si looga ciribtiro dhammaan saldhigyadooda gobolka Bari.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles