Saturday, February 8, 2025

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo qaaday howlgal culus oo ka dhan ah AS

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday howlgal ballaaran oo qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, howlgalkaas oo laga fuliyey deegaanno ku yaalla jiinka wabiga Shabeelle ee galbeedka gobolka Hiiraan.

Intii lagu guda jiray howlgalka, ayaa waxaa dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada isgarabsanaya iyo kooxaha Al-Shabaab. Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaannadii lagu dagaalamay.

Saraakiisha ayaa intaas ku daray in howlgalka uu guulo waaweyn laga gaaray, waxaana gacanta lagu dhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaannada sida buuxda loo qabsaday ayaa waxaa ka mid ah Beerayabaal, Qurbabooto, Cadow Gureey, iyo deegaanno kale oo muhiim ah.

Hoggaanka ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in howlgaladu ay sii socon doonaan, iyadoo diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ka dhan ah Al-Shabaab uu haatan ka socdo aaggaasi.

Waxay ku adkeysteen in dagaalka lagula jiro kooxdan uu sii xoogeysan doono si deegaannada looga xoreeyo.

 

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles