Saturday, June 14, 2025

Puntland oo Boosaaso ka wada howlgallo culus oo ka dhan ah Daacish

Howlgallo culus oo lagu xaqiijinayo amniga ayaa ka billowday magaalooyinka waaweyn ee maamulka Puntland, iyadoo xoogga la saarayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Xalay ilaa saaka, ciidamada amniga gobolka Bari ayaa xaafadaha kala duwan ee Boosaaso ka sameeyay baaritaanno ballaaran oo lagu baadi goobayo xubno ka tirsan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Intii lagu guda jiray howlgalka, ciidamadu waxay galeen xaafado dhowr ah, halkaas oo ay ku soo qabteen dad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin falal amni-darro oo magaalada ka dhacay.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa xaqiijiyay in dadkii lagu soo qabtay howlgalka lagu hayo gacanta hay’adaha baarista gobolka Bari, si loo hubiyo kiiskooda. Waxay sheegeen in haddii dembi lagu helo eedeysanayaasha, loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo ciidamada amnigu ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan nabadgelyada magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeeda. Ciidamada gobolka Bari ayaa sidoo kale dagaal ba’an kula jira kooxda Daacish oo ay kula dagaallamayaan buuraha Cal Miskaad.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalladan lagu baacsanayo cid kasta oo ku lug leh amni-darrada, isla markaana loo diyaarsan yahay in magaalada laga ciribtiro falalka qalalaasaha ah.

Howlgallada ayaa la filayaa inay sii socdaan maalmaha soo socda, iyadoo la adkeynayo ammaanka guud ee magaalada.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles