Wednesday, August 19, 2026

Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Badda Midowga Yurub oo shir xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Ciidanla Booliska dowladda Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR), gaar ahaanna Hawlgalka ATLANTA ayaa Shir ku saabsan Amniga Badda ku yeeshay dusha sare ee markabka dagaalka ee Isbaanishka laga leeyahay ESPS Navarra (F85), calansidaha howlgalka Atalanta.

Wefdi ka socday Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Dhexe Sakariya Abdiraxmaan, oo uu weheliyo G/le dhexe Aadan ayaa ka qayb galay Shirkaasi oo ka dhacay Gacanka Cadmeed, gaar ahaan waqooyiga dekedda Bosaaso, waxaana lala yeeshey Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan EUNAVFOR, iyadoo diiradda lagu saaray caqabadaha muhiimka ah ee amniga badda. Waxaa si gaar ah looga hadlay xeeladaha lagula dagaallamo burcad-badeednimada, iyo dambiyada kale ee badda ka dhaca.

“Booqashadani waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dadaalladayada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga badda iyo iskaashiga caalamiga ,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Sakariya. Wuxuu intaas ku daray in “fahanka awoodaha ciidamada badda ee aan bahda nahay ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta howlgaladeena amniga xeebaha iyo xaqiijinta badqabka badaheena.”

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles