Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Badda Midowga Yurub oo shir xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Ciidanla Booliska dowladda Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR), gaar ahaanna Hawlgalka ATLANTA ayaa Shir ku saabsan Amniga Badda ku yeeshay dusha sare ee markabka dagaalka ee Isbaanishka laga leeyahay ESPS Navarra (F85), calansidaha howlgalka Atalanta.

Wefdi ka socday Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Dhexe Sakariya Abdiraxmaan, oo uu weheliyo G/le dhexe Aadan ayaa ka qayb galay Shirkaasi oo ka dhacay Gacanka Cadmeed, gaar ahaan waqooyiga dekedda Bosaaso, waxaana lala yeeshey Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan EUNAVFOR, iyadoo diiradda lagu saaray caqabadaha muhiimka ah ee amniga badda. Waxaa si gaar ah looga hadlay xeeladaha lagula dagaallamo burcad-badeednimada, iyo dambiyada kale ee badda ka dhaca.

“Booqashadani waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dadaalladayada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga badda iyo iskaashiga caalamiga ,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Sakariya. Wuxuu intaas ku daray in “fahanka awoodaha ciidamada badda ee aan bahda nahay ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta howlgaladeena amniga xeebaha iyo xaqiijinta badqabka badaheena.”

 

WARARKII KALE

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles