Sunday, June 7, 2026

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulamaya Madaxda dalka Tanzania

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ay wehliyaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo masuuliyiin kale ayaa booqasho shaqo ku gaaray dalka Tanzania.

Wafdiga oo soo dhowayn diirran kala kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ilyaas Cali Xasan, ayaa qorshuhu booqashadoodu daaran yahay xarig-jarka dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Dar es Salaam oo dib-u-dhis heer sare ah, dayactir iyo qalabayn lagu sameeyay, sidoo kalena wuxuu kaqeyb gali doonaa Xuska 65 sano guurada maalinta Xurriyada Qaranka.

Wafdigani Wasiirrada ah ayaa inta ay joogaan dalkaasi, waxa ay kulamo labo geesood ah la yeelan doonaan dhiggooda, iyaga oo kala hadli doona kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka, iskaashi wadaagga iyo isku-gudubka xorta ah ee muwaadiniinta labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hay’adaha amniga gobolka Banaandir oo soo bandhigay hub si sharcidaro ah lagu soo geliyay Muqdisho

Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa degmada Cabdicasiis...

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xoojisay diyaargarowga iyo ka hortagga Ebola

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa xoojinaysa diyaargarowga iyo kormeerka...

Wasiirkii hore ee Amniga oo war ka soo saaray weerarka lagu qaaday Hotelkiisa Elite ee Muqdisho

Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa...

Mucaaradka oo si adag uga hadashay weerar lagu qaado guriga Gen. Odawaa

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ay kasoo saartay magaalada...

Ciidamada dowladda oo xoog ku galay Hotel Elite

Ciidamada dowladda ee weli ku sugan degmada Cabdicasiis oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles