RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.

Labada dhinaca ayaa kulanka isku weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay in la taageero dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro amniga iyo xasiloonida, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iyo dhisida kalsoonida dhinacyada kala duwan.

Intii kulanka uu socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar waxa ay xaqiijiyeen in Dowladda Qatar ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku dhisan yahay furfurnaan iyo isgaarsiin wax ku ool ah oo dhex mara dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay, iyadoo la xaqiijinayo ixtiraamka gobannimada iyo midnimada Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles