Tuesday, May 13, 2025

Suudaan oo laga dayrinayo in dumarka ‘hub’ ahaan u istcimaalayaan kooxaha is hayaa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in jidhka dumarku uu noqday waxyaalagu dagaal ahaanta loo isticmaalayo ee ka taagan Suudaan, halkaas oo afduubka iyo kufsigu si joogto ah loogu isticmaalayo hub dagaal laba sano kadib markii dagaalkaasi bilowday. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in tacaddiyo ay geysanayaan labada dhinac ee dirirtu ka dhexeysaa — ciidanka Suudaan iyo xoogagga sida millitariga u tababaran ee RSF.

Wuxuu sidoo kale xusay weerarrada lagu hayo shaqaalaha gargaarka. Lama yaqaan xaaladda dadka ka shaqaynayay xerada qaxootiga ee Zamzam ee gobolka galbeed ee Darfur, taas oo gacanta u gashay RSF. Waxaa kor u sii kacaya walaaca laga qabo boqollaal kun oo barakacayaal ah kadib markii RSF ay qabsatay deegaankaas. Hay’adda caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in carruur qaar u dhinteen harraad xilli ay lug kusoo socdaalayeen ilaa 70km si ay uga baxsadaan rabshadaha. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in aysan haysanin dhaqaalihii ay ku caawin lahaayeen malaayiinta dagaalku barakiciyay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa Hadaf keenun Waa Doorasho Qof iyo Cod Ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

DFS iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sacuudi Carabi

Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446...

Maxaa looga hadli doonaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii...

Ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta KGS oo weerar ku qaaday duleedka deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles