Monday, August 10, 2026

Suudaan oo laga dayrinayo in dumarka ‘hub’ ahaan u istcimaalayaan kooxaha is hayaa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in jidhka dumarku uu noqday waxyaalagu dagaal ahaanta loo isticmaalayo ee ka taagan Suudaan, halkaas oo afduubka iyo kufsigu si joogto ah loogu isticmaalayo hub dagaal laba sano kadib markii dagaalkaasi bilowday. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in tacaddiyo ay geysanayaan labada dhinac ee dirirtu ka dhexeysaa — ciidanka Suudaan iyo xoogagga sida millitariga u tababaran ee RSF.

Wuxuu sidoo kale xusay weerarrada lagu hayo shaqaalaha gargaarka. Lama yaqaan xaaladda dadka ka shaqaynayay xerada qaxootiga ee Zamzam ee gobolka galbeed ee Darfur, taas oo gacanta u gashay RSF. Waxaa kor u sii kacaya walaaca laga qabo boqollaal kun oo barakacayaal ah kadib markii RSF ay qabsatay deegaankaas. Hay’adda caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in carruur qaar u dhinteen harraad xilli ay lug kusoo socdaalayeen ilaa 70km si ay uga baxsadaan rabshadaha. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in aysan haysanin dhaqaalihii ay ku caawin lahaayeen malaayiinta dagaalku barakiciyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles