Monday, August 17, 2026

Turkiga oo si adag uga hadlay duqeymaha Israel ka wado Siiriya

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay Israa’iil, iyadoo ku eedeysay in ay tahay xukuumad cunsuriyad iyo xagjirnimo” ku dhisan, taasoo leh damac isballaarin oo khatar ku ah amniga gobolka.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in weerarrada Israa’iil ay ka geysaneyso gudaha Suuriya iyadoo aan wax weerar ah lagu soo qaadin ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, taasoo muujineysa in siyaasadda Israa’iil ay ku dhisan tahay hurinta colaadaha.

Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in xasillooni-darro ka dhalata tallaabooyinka Israa’iil ay si weyn u saameynayso ammaanka gobolka, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka in ay tallaabo ka qaaddo si loo xakameeyo ficillada Israa’iil.

Turkiga ayaa ku eedeeyay Israel iney wado quudinta kooxaha argagaxisada ee Syria ku sugan si ay halkaas dib ugu soo celiso fowdadii horay uga taagneyd, wasiirka arimaha dibada Turkey Hakan Fidan ayaana Israel u sheegay in dan ugu jirto iney joojiyaan weerarada ay Syria kawadaan hadii kale ay kala kulmi doonaan cawaaqib xumo aysan xisaabta ku darsanin.

Israel ayaa kor u sii qaaday xiisada dagaal ee ka taagan Syria iyadoo markale xalay duqeyn  ka geysatay duleedka magaalada Dimishiq, waxayna u muuqataa in weeraradan cusub ee Israel isku fureyso ay soo dadajin dagaal buuxa oo ka dhaca bariga dhexe kaasoo markan uu ku lug yeelan karo Turkiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles