Turkiga oo si adag uga hadlay duqeymaha Israel ka wado Siiriya

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay Israa’iil, iyadoo ku eedeysay in ay tahay xukuumad cunsuriyad iyo xagjirnimo” ku dhisan, taasoo leh damac isballaarin oo khatar ku ah amniga gobolka.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in weerarrada Israa’iil ay ka geysaneyso gudaha Suuriya iyadoo aan wax weerar ah lagu soo qaadin ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, taasoo muujineysa in siyaasadda Israa’iil ay ku dhisan tahay hurinta colaadaha.

Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in xasillooni-darro ka dhalata tallaabooyinka Israa’iil ay si weyn u saameynayso ammaanka gobolka, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka in ay tallaabo ka qaaddo si loo xakameeyo ficillada Israa’iil.

Turkiga ayaa ku eedeeyay Israel iney wado quudinta kooxaha argagaxisada ee Syria ku sugan si ay halkaas dib ugu soo celiso fowdadii horay uga taagneyd, wasiirka arimaha dibada Turkey Hakan Fidan ayaana Israel u sheegay in dan ugu jirto iney joojiyaan weerarada ay Syria kawadaan hadii kale ay kala kulmi doonaan cawaaqib xumo aysan xisaabta ku darsanin.

Israel ayaa kor u sii qaaday xiisada dagaal ee ka taagan Syria iyadoo markale xalay duqeyn  ka geysatay duleedka magaalada Dimishiq, waxayna u muuqataa in weeraradan cusub ee Israel isku fureyso ay soo dadajin dagaal buuxa oo ka dhaca bariga dhexe kaasoo markan uu ku lug yeelan karo Turkiga.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles