Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay kulan afur iyo casho-sharaf isugu jira Madaxtooyada ugu sameeyey culimaa’u-diinka Somaliland, Waxa uu culimada ku ammaanay doorkii ay ka qaateen aqoonsigii ay Somaliland ka heshay Israa’iil
“Waxaan culimada uga mahad-naqayaa intii ictiraafka la helay kaalintii ay ku lahaayeen iyo sida ay uga jawaabeen dadkii diinta ku soo dhuumanayay ee sida khaldan u turjumayay,” ayaa uu yidhi.
Madaxweynaha Somaliland ayaa dhinaca kale baaq u diray dad ku dagaallamaya deegaanka Waqdariya ee gobolka Sanaag.
Waxa kale oo uu culimada ugu baaqay in ay qayb ka qaataan gurmadka abaarta oo sida uu sheegay aan lagu fiirsan karin xukkumadda oo keliya.


