RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee G/Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhagaystay hoggaanka ururrada aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka dadweynaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo ka-qaybgalka bulshada ee arrimaha siyaasadda, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed oo ku dhisan wadashaqeyn, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo daahfuran, loona dhiso hay’ado dowladeed oo ku yimaadda rabitaanka shacabka.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay ka go’an tahay dhageysiga dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka, si loo helo aragti mideysan oo lagu wajahayo amniga dalka arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dowlad-dhiska.

Xukuumadda ayaa ku hawlan dhamaystirka doorashada tooska ah ee dowladaha hoose, iyada oo la filayo in muddo kooban degmooyin badan oo dalka looga qabto doorashada cod iyo qof ee goleyaasha deegaanka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles