Wednesday, June 17, 2026

RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee G/Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhagaystay hoggaanka ururrada aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka dadweynaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo ka-qaybgalka bulshada ee arrimaha siyaasadda, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed oo ku dhisan wadashaqeyn, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo daahfuran, loona dhiso hay’ado dowladeed oo ku yimaadda rabitaanka shacabka.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay ka go’an tahay dhageysiga dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka, si loo helo aragti mideysan oo lagu wajahayo amniga dalka arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dowlad-dhiska.

Xukuumadda ayaa ku hawlan dhamaystirka doorashada tooska ah ee dowladaha hoose, iyada oo la filayo in muddo kooban degmooyin badan oo dalka looga qabto doorashada cod iyo qof ee goleyaasha deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles