Cirro iyo Abiy Ahmed oo ku kulmaya Addis Ababa

Madaxweynaha  Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalka Itoobiya, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana lagu sheegay inuu qayb ka yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliland iyo Itoobiya.

Booqashadan, oo ah tii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro ku tago Itoobiya tan iyo doorashadiisii 13-kii November 2024, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha siyaasadda, amniga iyo ganacsiga ee labada dhinac.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu kulan rasmi ah la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, si ay uga wada hadlaan xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliland iyo fursadaha iskaashi ee cusub.

Safarkan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo dib u xoojinaya xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles