Cirro iyo Abiy Ahmed oo ku kulmaya Addis Ababa

Madaxweynaha  Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalka Itoobiya, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana lagu sheegay inuu qayb ka yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliland iyo Itoobiya.

Booqashadan, oo ah tii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro ku tago Itoobiya tan iyo doorashadiisii 13-kii November 2024, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha siyaasadda, amniga iyo ganacsiga ee labada dhinac.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu kulan rasmi ah la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, si ay uga wada hadlaan xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliland iyo fursadaha iskaashi ee cusub.

Safarkan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo dib u xoojinaya xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles