Wednesday, March 11, 2026

Cirro oo Dalka Switzerland kula kulmay madaxweynaha Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xalay magaalada DAVOS ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dalka Israa’iil Isaac Herzog iyo Eric Trump oo ah Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka.

Kulankan ayaa waxaa uu mid looga hadlay xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u bilowday Somaliland iyo Israa’iil.

Labada dhinac ayaa waxaa ay si qoto dheer uga wada hadleen danaha lama huraanka ah ee ay labada dhinac wadaagaan, gaar ahaan xoojinta xiriirka dawladnimo, horumarinta iskaashiga dhinacyada Amniga, Difaaca, Teknoolajiyadda, Beeraha, Biyaha, Caafimaadka, Tamarta iyo Macdanta, horumarinta iskaashiga bulshada, iyo sidii labada dhinac ay uga wada shaqayn lahaayeen nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika

Sida oo kale, kulanka waxaa labada Madaxweyne ku wehelinayey wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Eric Trump.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Madaxweynaha dalka Israa’iil u caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay saaxiib dhab ah oo la isku hallayn karo, dadkiisuna aanay weligood illaawin cid kasta oo abaal u gasha. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu xusay in Somaliland ay tahay dal nabad-jecel, mas’uul ah, kuna suntan xasillooni, dimuqraadiyad, Dawlad wanaag iyo ku dhaqanka Sharciga.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliland Cirro.

WARARKII KALE

Ciidamada xoogga oo la wareegay Xawaadley

Ciidamada xoogga ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Xawaadleey...

Xasan Sheekh oo Safar ku Tagaya Jabuuti Xilli Madaxweyne Geelle u Tartamayo Doorasho Kale

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu...

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay saldhigyada Daacish ee Buuraha Calimiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn...

Wafdi ka socda DFS oo New Yorka uga qeybgalay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Markab xammuul oo lagu weeraray Marinka Hormuz

Markab xammuul qaada oo ku dhow Marinka Hormuz ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles