Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xalay magaalada DAVOS ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dalka Israa’iil Isaac Herzog iyo Eric Trump oo ah Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka.
Kulankan ayaa waxaa uu mid looga hadlay xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u bilowday Somaliland iyo Israa’iil.
Labada dhinac ayaa waxaa ay si qoto dheer uga wada hadleen danaha lama huraanka ah ee ay labada dhinac wadaagaan, gaar ahaan xoojinta xiriirka dawladnimo, horumarinta iskaashiga dhinacyada Amniga, Difaaca, Teknoolajiyadda, Beeraha, Biyaha, Caafimaadka, Tamarta iyo Macdanta, horumarinta iskaashiga bulshada, iyo sidii labada dhinac ay uga wada shaqayn lahaayeen nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika
Sida oo kale, kulanka waxaa labada Madaxweyne ku wehelinayey wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Eric Trump.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Madaxweynaha dalka Israa’iil u caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay saaxiib dhab ah oo la isku hallayn karo, dadkiisuna aanay weligood illaawin cid kasta oo abaal u gasha. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu xusay in Somaliland ay tahay dal nabad-jecel, mas’uul ah, kuna suntan xasillooni, dimuqraadiyad, Dawlad wanaag iyo ku dhaqanka Sharciga.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliland Cirro.


