Maxaa looga hadlay kulanka Golaha wasiirada Soomaaliya?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay amniga dalka, howlgallada socda ee ay wadaan Ciidamada Qaranka, iyo gogosha wadahadal ee ay u fidisay Xukuumadda DanQaran dhinacyada siyaasadda.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa lagu bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay khawaarijta ku jabiyey deegaanka Kudhaa, oo ay argagixisadu isku dayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaannadaasi, balse Ciidamada Qaranka ay ka difaaceen weerarkii naf la caariga ahaa ee ay soo qaadeen.

Kulanka Golaha ayaa intii uu socday, waxaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Sidoo kale, Golaha waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles