Ciidamada DFS iyo Jubbaland oo saaka weeraray Al-shabaab ku go’doonsanaa deegaanka Kudhaa

Dagaal culus ayaa saaka waaberigii markale ka dhacay deegaanka Kudhaa, kaddib markii ciidamada Jubbaland oo garabsanaya kuwa Kumaandooska Danab ay weerar ballaaran ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab ee ku go’doonsanaa gudaha deegaankaasi.

Sida ay sheegayaan wararka maleeshiyadka Al-shabaab oo shalay isla waqtigan soo weerartay Kudhaa ayaa xalay si buuxda loogu go’doomiyay deegaanka, kaddib markii ciidamada Jubbaland iyo Danab ay dhan walba ka fadhiisteen waddooyinka laga baxo.

Kooxaha Al-shabaab ayaa gabbaad ka dhigtay gudaha magaalada, kadib markii ay la kulmeen duqeymo cirka ah iyo dagaal dhulka ah, waxaa ayna kooxda isku dayday inay xalay baxsadaan iyagoo wata gaadiid dagaal iyo dhaawacy badan, sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in isku daygaasi ayaa fashilmay, waxaana xalay loo diiday inay dhinacna u dhaqaaqaan, maadaama ay si buuxda u go’doomiyeen ciidamada dowladda.

Marar ay isku dayeen inay xoog ku jebiyaan go’doominta ayay kala kulmeen dharbaaxooyin culus oo ka yimid ciidamada ammaanka.

Saaka markii uu waagu baryay ayay ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo kuwa dowladda bilaabeen weerar toos ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona laga saaray meelaha ay ku dhuumaaleysanayeen.

Kudhaa oo koofur ka xigta magaalada Kismaayo waxaa Al-shabaab lagala wareegay sanadkii 2014, halkaas oo ay markii hore u isticmaali jireen in ay ku gabadaan madaxda sarsare ee kooxda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda...

Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb...

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles