Ciyaartooy caan ah oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Wafdi ka socda Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya. Wafdigan oo ka kooban ciyaaryahanno hore oo Afrikaan ah, ayaa ka soo ciyaaray horyaalada qaarada Yurub iyo kuwa caalamiga ah, waxayna ka mid yihiin ciyaartooyda caanka ah sida Samuel Eto’o, oo hore u ahaa xiddigii kooxda Barcelona isla markaana hadda ah madaxa Xiriirka Kubadda Cagta ee Cameroon, Jay-Jay Okocha, oo halyeey u ah xulka Qaranka Nigeria, iyo Emmanuel Adebayor, oo hore u ahaa weeraryahanka xulka Qaranka Togo.

Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa ah in la horumariyo kubadda cagta Soomaaliya, iyo sidoo kale in la qiimeeyo xaaladda amniga ee dalka, si loo ogaado in Soomaaliya ay awooddo inay martigeliso tartamada caalamiga ah ee kubadda cagta, gaar ahaan kuwa ka dhaca Afrika iyo dalalka Carabta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Dahabo Suusow Maxamuud, ayaa sheegtay in booqashada wafdigan ay tahay fursad weyn oo loo isticmaali karo horumarinta ciyaaraha dalka iyo iskaashiga caalamiga ah ee kubadda cagta.

Waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ka socota qabanqaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo wafdigan, waxaana qabanqaabadaas hoggaaminaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Tani waxay noqonaysaa munaasabaddii ugu sareysay ee FIFA soo dirto Soomaaliya muddo 35 sano ah, taas oo muujinaysa muhiimadda ay FIFA siineyso horumarka kubadda cagta ee dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles