Saturday, April 11, 2026

Cumar C/Rashiid oo digay halista ka dhalan karta shidaal qodista

RW hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka digay in kheyraadka sida shidaalka iyo macdanta ay noqon karaan isha khilaaf siyaasadeed haddii aan laga gaarin heshiis qaran oo ku saabsan dastuurka, sharciga, doorashooyinka iyo maamulka kheyraadka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dib u dhaca doorashooyinka iyo “aamusnaanta siyaasadeed” ee jirta ay kordhin karto xiisad, isla markaana uu ugu baaqay Madaxweynaha inuu caddeeyo xaaladda isla markaana la qabto shir qaran oo lagu heshiiyo doorashooyinka.

“Saliidda iyo kheyraadka macdanta waxay noqon karaan barako, balse xaalado qaar waxay sidoo kale isu beddeli karaan dhibaato. Inta badan arrintan waxay ku xirnaan doontaa in la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan arrimo muhiim ah sida dastuurka, ku dhaqanka sharciga, doorashooyinka, iyo siyaasadaha saliidda iyo macdanta”.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku egyahay maalmo kooban gudahood, isla markaana ay muuqato “aamusnaan siyaasadeed,” iyadoo uu xusay in dastuurku qeexayo muddo xileed afar sano ah.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu caddeeyo xaaladda iyo waxa laga wado kordhinta ama dib u dhaca la xiriira muddo xileedka, isla markaana uu ku baaqo shir qaran oo lagu heshiisiinayo doorashooyinka federaalka iyo waqtigooda rasmiga ah.

Wuxuu sidoo kale ka digay in haddii dib u dhac lagu sii dheeraado xal u helidda arrimahan ay keeni karto is-mari-waa siyaasadeed, kala qeybsanaan iyo xasillooni darro saameysa guud ahaan dalka Soomaaliya.

Qoraalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu wajahayo dood culus oo ku saabsan doorashooyinka iyo mustaqbalka nidaamka dowladnimo.

WARARKII KALE

DFS oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ayaa...

Geelle oo mar 6-aad loo doortay Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha...

Uganda oo weerar afka ah ku qaaday Turkiga, kuna faanay doorkii Uganda ee dagaalladii Muqdisho

Taliyaha Ciidamada dalka Uganda, ahna wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni,...

Ciidamada Amniga oo qaraxyo ku qabtay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay...

Wadahadalada Iran iyo Mareykanka oo maanta furmaya

Ra’iisul wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in wadahadallada nabadeed ee...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles