Thursday, February 6, 2025

Daacish oo laga qabsaday taliskii ugu weynaa ee Tuursamaale

Ciidamada Daraawiishta Puntland ee howlgalka Hillaac, oo ujeedkiisu yahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, ayaa saacado ka hor ku guuleystay inay la wareegaan taliskii muhiimka ahaa ee Tuulada Tuursamaale.

Taliskan, oo ahaa fariisin istiraatiiji ah, ayaa ku yaallay bartamaha buuraleyda Calmiksaad ee gobolka Bari, kana mid ahaa saldhigyada ugu waaweyn ee kooxda Daacish ee deegaankaasi.

Qabsashada taliska Tuursamaale ayaa loo arkaa guul weyn oo ka soo hoyatay howlgalka, waxaana lagu tilmaamay dharbaaxo culus oo ku dhacday kooxda Daacish, oo taliskan u adeegsan jirtay sidii xarun ay ka soo abaabulaan dhagarta iyo dhibaataynta shacabka deegaanka.

Inta aan la qabsan taliska Tuursamaale, waxay ciidamada Daraawiishtu cagta mariyeen saldhig difaaca u ahaa, oo lagu magacaabo Janajiifta.

Guushan cusub waxay ka dhigaysaa Tuursamaale taliskii ugu weynaa ee laga qabsado Daacish tan iyo bilowgii howlgalka Hillaac, taas oo sare u qaadaysa rajada shacabka ee ku aaddan in laga ciribtiro kooxda khawaarijta ah guud ahaan gobolka Bari.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoojiyay Baaqa Golaha XFS Ee Dagaalka Ka Dhanka Ah Daacish

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 06/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Donald Trump oo sheegay in Israa’iil ay ku wareejin doonto Qaza Mareykanka,

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay...

Wararkii ugu danbeeyay ee colaadda Sudan

Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay...

Firdhiye oo furay dugsiga tababarka ciidanka Daraawiishta SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyay Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles