Friday, February 27, 2026

Daa’ud Aweys “Taageerada Turkiga waxay xoojisay dagaalka Al-Shabaab”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in kordhinta taageerada milatari ee Turkigu siiso Soomaaliya ay si muuqata uga caawisay horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka oo wareysi siiyay wargeyska Turkiga ee Cumhuriyet kadib barnaamij lagu qabtay xarunta isgaarsiinta madaxtooyada Turkiga, ayaa xusay in ciidamada qaranka Soomaaliya ay guulo ka gaareen furimaha dagaalka, islamarkaana deegaanno badan laga saaray kooxda.

Wuxuu sheegay in iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu muddo dheer socday, isla markaana gurmadka cusub uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, balse uusan xiriir toos ah la lahayn arrimaha la xiriira aqoonsiga Somaliland. Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay madaxweynaha Turkiga caddeynta uu ka bixiyay midnimada Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in markabka sahanka shidaalka ee Turkigu u diray xeebaha Soomaaliya uu noqon karo mid wax weyn ka beddela mustaqbalka dalka.

Wuxuu tilmaamay in helitaanka shidaal uu Soomaaliya ka dhigi karo dal soo saara tamarta, taasoo xoojin karta dhaqaalaha isla markaana kaalin ka qaadan karta xasilloonida gobolka.

Wasiirka ayaa wuxuu ammaanay xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo xusay booqashadii Recep Tayyip Erdoğan ee 2011 inay furtay waddo cusub oo iskaashi iyo horumar ah, taas oo sare u qaaday sumcadda iyo kalsoonida Soomaaliya ee caalamka.

Taageerada Turkiga ayaa qayb ka ah iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo tamarta u dhexeeya labada dal

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Cali Balcad oo muxuu ka yiri shir looga hadlay Qadiyada Falastiin ee ka dhacay Sacuudiga

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar...

Burcad-badeed ku fashilantay afduub dooni Iiraan laga leeyahay oo ka dhacay xeebaha Eyl

Koox burcad-badeed ah oo ka baxday deegaanka Maraya ee...

Golaha Mustaqbalka iyo Shirka Difaaca Dastuurka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Golaha Mustaqbalka oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha kala...

Ciro oo ka hadlay aqoonsiga Israa’iil iyo dagaalka ka dhacay Sanaag

Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay kulan afur iyo casho-sharaf isugu...

Pakistan oo sheegtay in ay maleeshiyaad ku dishay xuduudda Afghanistan

Ciidamada qalabka sida ee Pakistan ayaa sheegay in 10...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles