Wednesday, September 3, 2025

Dad badan oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil ay ka fulinayso Gaza

Hay’adda difaaca madaniga ah ee Qasa ayaa sheegtay in labaatan Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday dugsi ay gabaad ka dhiganayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Qasa.

Meydadka qaar ayaa aad u gubtay oo ay ku jiraan caruur, iyadoo dab weyn uu qabsaday labo kamid ah fasalada iskuulka.

Tobaneeyo kale ayaa ku dhaawmay, kuwaas oo qeybo kamid ah jirkooda uu gubtay isla markaana uu soo gaaray dhaawacyo halis ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerar kale oo Israa’iil ah fulisay uu ku dhacay guri ku yaal bartamaha magaalada Qasa, halkaas oo ay ku dhinteen afar qof.

Axadii militariga Israel ayaa sheegay inay doonayaan inay gacanta ku dhigaan boqolkiiba todobaatan iyo shan ee magaalada Qasa, ayna mamulaan dadkeeda Falastiiniyiinta ee ku nool saddex aag oo yaryar.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles