Rooble iyo siyaasiyiin kale oo ku soo wajahan Muqdisho iyo waqtiga laga qabanayo shirka Mucaaradka

Waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo uu ku biiri doono koox siyaasiyiin ah oo mucaarad ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble ayaa la filayaa in uu qeyb ka noqdo kulamo siyaasadeed oo ay wadaan madax hore oo dalka soo hoggaamiyay, kuwaas oo maalmahan ka socday caasimadda. Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Muqdisho ay durba yimaadeen Ra’iisul Wasaayaashii hore Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxdan siyaasadeed ayaa qorsheynaya in ay beri shir ballaaran uga furmaan magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku doonayaan in ay mideeyaan mowqifkooda siyaasadeed oo ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimaha doorashooyinka, amniga dalka, geeddi-socodka Dastuurka iyo xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka jirta xilligan.

Mucaaradka ayaa u arka in hoggaanka dowladda hadda jirta uu dalka geliyay xaalad siyaasadeed oo aan degganayn, waxayna doonayaan in ay dhisaan isbahaysi xooggan oo saameyn ku yeesha go’aanada mustaqbalka dalka.

Shirka la filayo in uu berri furmo ayaa noqon doona mid si weyn isha loogu hayo, maadaama uu kusoo beegmayo xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed, amni iyo mid doorasho.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles