Saturday, June 13, 2026

Mareykanka oo gacanta ku dhigay nin isku deyayay inuu gubo safaaradda Mareykanka ee Israa’iil

Nin heysta labo dhalasho oo kala ah dalalka Mareykanka iyo Jarmalka ayaa la xiray Axadii, kadib markii lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu gubo safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, sida laga soo xigtay waaxda cadaaladda.

Saraakiisha ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen Joseph Neumayer oo 28 jir ah, kaas oo lagu xiray garoonka diyaaradaha ee John F Kennedy ee magaalada New York.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa masaafuriyay ninkan, kadib markii lagu arkay walxaha qarxa xili uu marayay meel u dhow safaaradda

Mr Neumeyer ayaa ka soo muuqday maxkamada Axadii, waxaana lagu hayaa xabsiga, sida ay sheegtay waaxda cadaaladda.

“Eedaysanahaan waxaa lagu soo oogay inuu qorsheynayay weerar ba’an oo lagu bartilmaameedsanayo safaaradeena Israa’iil, hanjabaad dil ahna u diray muwaadiniinta Maraykanka ah, iyo nolosha madaxweyne Trump,” ayay tiri xeer ilaaliyaha guud Pamela Bondi.

Xarigan ayaa kusoo beegmaya maalmo un kadib markii nin hubeysan uu laba ka mid ah shaqaalaha safaaradda Israa’iil ku dilay bannaanka madxafka yuhuudda ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Saraakiisha Federaalka ayaa sheegay in Mr Neumayer uu yimid Israa’iil bishii Abriil isla markaana uu19-kii May aday safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv, isagoo wata boorso midab madow ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles