Dad u dabaal-degayay guusha Liverpool oo gaari lagu jiirsiiyay UK

Nin caddaan ah oo British ah oo 53 jir ah, kana soo jeeda xaafadda Liverpool, ayaa la xiray ka dib markii uu baabuur ku jiirsiiyay tiro dad ah oo ku lugaynayay Waddada Water Street, wax yar uun ka dib 18:00 BST. Booliiska ayaa sheegay in loo malaynayo inuu ahaa darawalkii gaariga.

Kumannaan qof ayaa ka soo qeyb galay bandhigga guusha Premier League ee kooxda Liverpool. Goobjooge ayaa sheegay in shilku uu dhacay 10-daqiiqo kadib markii uu halkaasi marayay baskii ay la socdeen kooxda Liverpool FC. Waxa uu ku tilmaamay in uu inantiisii ​​soo qabtay oo uu dariiqii goysiiyay.

Ilaa 27 qof ayaa guud ahaan isbitaal la geeyey, sida uu sheegay adeegga ambalaasta. Dadkaas, hal qof oo weyn iyo hal cunug ayaa si xun u dhaawacmay.

Ilaa 20 kale ayaa lagu daweeyay goobta, oo ay ku jiraan afar carruur ah. Mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka oo saarnaa baaskiil ayaa sidoo kale dhaawacay balse xaalkiisu ma darna.

Markii ciidamada gurmadka deg degga ah ay goobta gaareen, afar qof ayaa ku hoos xannibnaa gaariga, oo uu ku jiro hal cunug, sida ay sheegeen dab damiska. Gaariga ayaa si degdeg ah looga qaaday goobta si dadka dhaawaca ah ay u helaan daweyn.

Ilaa hadda ma cadda sababta ay dhacdadani u dhacday. Booliiska ayaa sheegay in dhacdada aan loola dhaqmin sidii argagixisanimo.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles