Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Gaalkacyo, hub culus iyo madaafiic la isku adeegsanayo

Dagaal culus ayaa maanta ka qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo la soo sheegayo in iska horimaadku u dhexeeyo ciidamada Puntland iyo ciidamada PSF, oo hore u shaaciyay inay la safteen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal, rasaas culus iyo madaafiic ayaa laga maqlayaa qaybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan aagga bari ee Gaalkacyo, halkaas oo ay ku yaallaan xarumo ciidan.

Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen ciidamada PSF oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isweydaarsanayaan madaafiic, iyadoo warar aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah madaafiicdu ay ku dhaceen guryo ay deggen yihiin dad rayid ah.

Ilaa iyo hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, maadaama uu weli socdo.

Dagaalkan ayaa imanaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee gobolka Mudug.

Dowladda Puntland ayaa hore ugu eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ciidamo iyo hub u dirtay deegaannada ay maamusho, gaar ahaan waqooyiga Gaalkacyo, isla markaana ay saldhigyo ciidan ka sameysatay magaalada iyada oo aan lagala tashan maamulka Puntland.

Puntland waxay sheegtay in tallaabooyinkaas ay jebinayaan heshiisyo hore oo ku saabsanaa wadaagga amniga iyo maamulka gobolka Mudug, isla markaana ay abuuri karaan xaalad amni oo sii xumaanaysa.

Ilaa iyo hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka PSF si rasmi ah ugama aysan hadlin dagaalka socda iyo eedeymaha ay Puntland u jeedisay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles