Kheyre oo ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu hurinayo colaada Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in hubka iyo rasaasta ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka qaaday Muqdisho una dirtay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sida uu sheegay sababay iska horimaadyo hubeysan iyo dhaawacyo, ay caddeyn u yihiin in dowladdu aysan mudnaan siinayn mideynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qoraal uu soo saaray, Xasan Cali Kheyre ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu halkii uu xoogga saari lahaa la dagaallanka argagixisada, uu dalka u jiheynayo colaad sokeeye.

Kheyre wuxuu xusay in toddobaadkii hore Beesha Caalamka ay magaalada Kampala ku yeesheen shir looga hadlay sidii Soomaaliya u gaari lahayd xasillooni siyaasadeed oo lagu dhisi karo isku duubni qaran si loola dagaallamo Al-Shabaab, balse wuxuu sheegay in tallaabooyinka hadda socda ay ka hor imaanayaan ujeeddadaas.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in shacabka Galmudug iyo Puntland ay muddo dheer ku wada noolaayeen nabad iyo derisnimo, hase yeeshee tallaabooyinka uu ku eedeeyay Madaxweynaha ay si toos ah khatar ugu yihiin nabadda iyo xasilloonida ka jirta gobolka.

Qoraalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni iyo siyaasadeed ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo dagaallo ay ka dhaceen qaybo ka mid ah magaalada.

Ilaa iyo hadda, Madaxtooyada Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles