Dagaal culus oo maanta ka socda dhulka Howdka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta weerar culus ku qaaday goobaha ay Al-shabaab ku sugnaayeen ee ku yaal dhulka howdka ah ee soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka xooggiisa ayaa waxaa uu ka socdaa  deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, waxaana la soo sheegayaa in dagaalkan uu yahay mid aad u culus, islamarkaana lagu weeraray goob godad ah oo Al-shabaab ay isku uruursanayeen.

Khasaare ayaa ka dhashay dagaalka, laakiin ilaa hadda lama hayo tirada saxda ah ee khasaaraha.

Weerarkan ayaa wuxuu ku soo aadayaa kadib  markii ay ciidamadu sameeyeen howlgallo is-daba-joog ah oo ku wajahan xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kuwaas oo ay ka dhaceen dagaallo hore, iyada oo lagu dilay maleeshiyo badan oo Al-shabaab ka tirsan, halka saraakiil ciidan ay ku geeriyoodeen.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha Hay’adda NISA, xildhibaano ka soo jeeda gobolka Hiiraan, iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku sugan furimaha hore ee dagaalka si ay u dardargeliyaan gulufka dagaalka ee socda.

Weerarka ayaa waxaa uu qayb ka yahay dadaalada lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-shabaab looga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee Hiiraan ayaa muddo seddexdii maalin ugu dambeysay dagaalkii ugu cuslaa la galaya maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona goobo muihiim ah laga qabsaday kooxda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles