Dagaal ka dhacay Saylac oo u dhaxeeyay Jabhadda Ciise iyo Ciidamada Somaliland

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay dagaal culus oo ka dhacay degmada Saylac ee Gobolka Awdal, kaasoo u dhaxeeyay Jabhadda beesha Ciise iyo ciidamada maamulka Somaliland.

Dagaalkan ayaa ka dhacay degaanka Riiga Indho Biraale, halkaasoo ay isku adeegsanayeen hub culus labada dhinac.

War kasoo baxay ciidamada Somaliland ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalka uu sababay khasaare, iyadoo la sheegay in ugu yaraan 2 ruux ay ku dhinteen dagaalka, halka 4 kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ayaa tilmaamay in dagaalka uu ka dhacay koox burcad hubeysan oo ku sugan deegaanka.

Ciidamada Somaliland ayaa weli ka hawlgalaya degaanka si ay u sugaan nabadgelyada, isla markaana looga hortago falalka burcadnimada ah ee deegaanka ka dhaca.

Waxaa la sheegay in xaaladda Saylac ay xilligan tahay mid kacsan, ayna socdaan dadaallo lagu xakameynayo dagaalka iyo hubka ku soo rogmanaya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles