Wednesday, April 1, 2026

Dagaal ka socda duleedka degmada Berdaale ee Gobolka Baay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka socdo deegaanka Dhejiile, oo hoostaga degmada Berdaale ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dagaalka oo weli socda ayaa u dhexeeya ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan.

Warar hor u dhac ah ayaa sheegaya  in dagaalka uu bilaabmay saaka waaberigii, kadib markii uu muran ku saleysan dhul ama awood maamul oo muddooyinkii u dambeeyey taagnaa uu isku beddelay iska horimaad hubeysan. Ciidamada Daraawiishta oo ku sugan deegaankaas ayaa la sheegay in ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka ah oo hubeysan.

Waqtigaan xaadirka ah, lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maadaama ay wali rasaasta socoto.

Goob-joogayaal iyo dadka deegaanka ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlayo xaafado dhowr ah oo ku dhow Dhejiile, taasoo cabsi galisay dadka shacabka ah.

Waxaa sidoo kale hakad galay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee u kala gooshi jiray Berdaale iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo inuu dagaalku ku faafo dhulka kale ee gobolka.

Illaa iyo hadda maamulka Koonfur Galbeed kama uusan bixin war rasmi ah oo ku saabsan dagaalkan, mana jirto cid sheegatay abaabulka kooxda la dagaallamaysa ciidamada Daraawiishta.

Dagaalkan cusub ayaa imaanaya iyadoo gobolka Baay uu marayo xaalad amni oo kacsan, isla markaana uu jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo weli ka socda qeybo kamid ah Koofur Galbeed.

Colaado ku saleysan Beelaha ama murannada maamulka ayaa caqabad hor leh ku noqon kara dadaallada nabadeynta iyo xasilinta deegaannadaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo & wafdi uu hagaaminayo oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo

Wefdi uu hoggaaminayo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Guddoomiyaha...

RW Xamsa oo sheegay in DFS ay la wareegtay amniga Baydhabo

Ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xalay ka...

Iiraan oo weerartay Markab shidaal sida oo laga leeyahay Kuwayd

Dowladda Kuwayd ayaa sheegtay in Iiraan ay beegsatay mid...

Ciidamo Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay Lubnaan

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in afar askari la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles