RW Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray hirgelinta siyaasadda darajooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ee dowladda, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo maamulka iyo hufnaanta adeegyada dowliga ah.

Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro, Agaasimayaal Guud, Madax ka socotay Hay’adaha Dowladda, iyo marti sharaf kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in siyaasaddan ay muhiim u tahay xoojinta nidaamka mushaar bixinta, kor u qaadidda hufnaanta maamulka, iyo abuurista jawi shaqo oo caddaalad iyo tartan furan ku dhisan.

“Hirgelinta siyaasaddan waxay horseedi doontaa nidaam shaqo oo cadaalad ah, iyadoo si caddaalad ah loo kala darajoeyn doono shaqaalaha rayidka, lana hubin doono in mushaarkooda uu noqdo mid ku habboon darajooyinka iyo shaqooyinka ay hayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Siyaasaddan cusub ayaa la rajeynayaa inay soo afjarto is-faham la’aanta iyo kala duwanaanshaha baahsan ee ka jiray darajooyinka shaqaalaha dowladda, iyadoo la sameynayo hannaan cad oo lagu qiimeeyo shaqaalaha laguna go’aamiyo mushaharka ay xaqa u leeyihiin. Waxay sidoo kale xoojin doontaa dhiirigelinta shaqaalaha si ay uga qeyb qaataan horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismaha dowladnimada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles