RW Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray hirgelinta siyaasadda darajooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ee dowladda, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo maamulka iyo hufnaanta adeegyada dowliga ah.

Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro, Agaasimayaal Guud, Madax ka socotay Hay’adaha Dowladda, iyo marti sharaf kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in siyaasaddan ay muhiim u tahay xoojinta nidaamka mushaar bixinta, kor u qaadidda hufnaanta maamulka, iyo abuurista jawi shaqo oo caddaalad iyo tartan furan ku dhisan.

“Hirgelinta siyaasaddan waxay horseedi doontaa nidaam shaqo oo cadaalad ah, iyadoo si caddaalad ah loo kala darajoeyn doono shaqaalaha rayidka, lana hubin doono in mushaarkooda uu noqdo mid ku habboon darajooyinka iyo shaqooyinka ay hayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Siyaasaddan cusub ayaa la rajeynayaa inay soo afjarto is-faham la’aanta iyo kala duwanaanshaha baahsan ee ka jiray darajooyinka shaqaalaha dowladda, iyadoo la sameynayo hannaan cad oo lagu qiimeeyo shaqaalaha laguna go’aamiyo mushaharka ay xaqa u leeyihiin. Waxay sidoo kale xoojin doontaa dhiirigelinta shaqaalaha si ay uga qeyb qaataan horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismaha dowladnimada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles