Wednesday, July 30, 2025

Dagaal qaraar oo markale ka qarxay degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu uu markale saaka ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka xoogeysa uu ka socdaa duleedka degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Labada dhinac ayaa la soo werinayaa in hubka noocyadiisa kala duwan ay isku adeegsanayaan, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa waxaa uu daba socday dagaal maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa gudaha magaalada Luuq.

Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleysan waayay xalkeeda, waxaana mar kale dib u qarxay dagaalka labada beelood.

Odoyaasha dhaqanka degmada Luuq ee gobolka ayaa shalay ku baaqay in la joojiyo colaada ka soo cusboonaatay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Maleeshiyo beeleedkan dagaalamaya ayaa horey waxaa heshiis u kala dhex dhigay madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, inkastoo heshiiska uu fashilmay, maadaama dhinacyada ay maantii labaad ay maanta ku dagaalamayaan degmada Luuq.

Ma cadda Tilaabada ay qaadi doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo ku aadan siddii loo damin lahaa colaada ka soo cusboonaatay degmada Luuq.

WARARKII KALE

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaalka Beledxaawo oo gaaray Magaalada Mandheere

Warbaahinta deegaanka Mandheera ayaa baahisay in saacadihii la soo...

Waa sidee saaka xaalada Beledxaawo, kadib dagaalkii shalay

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles