Monday, April 6, 2026

Dagaal qaraar oo saaka ka qarxay Degmada Luuq

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo wada dega degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka xoogeysa uu ka socdaa Meel qiyaastii 30 KM u jirta degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Labada dhinac ayaa la soo werinayaa in hubka noocyadiisa kala duwan ay isku adeegsanayaan, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi ku darayo inuu jiro khasaare soo gaaray dhinacyada ku dagaalamaya duleedka degmada Luuq, inkastoo aan si rasmi loo ogaan karin tirada dhimashada iyo dhaawac, maadaama dagaalka uu weli socda.

Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo horey ugu baxay xiisaddan ayaa ku guuleysan waayay xalkeeda, waxaana mar kale dib u qarxay dagaalka labada beelood.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa horey waxaa heshiis u kala dhex dhigay madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, inkastoo heshiiska uu fashilmay, maadaama dhinacyada ay saaka ku dagaalamayaan degmada Luuq.

  • Ma cadda Tilaabada ay qaadi doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo ku aadan siddii loo damin lahaa colaada ka soo cusboonaatay degmada Luuq.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la Qaatay Gogaanka Guud Ee Dhaqanka Koofur galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah...

Olole iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa haatan noqotay...

Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo qeylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles