Friday, July 3, 2026

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay saraakiil ka tirsan AFRICOM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam,(Axmed Madoobe) ayaa kulan dhiirigelin ah la qaatay Sarakiisha howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM ee Dowlada Maraykanka ee ka howlgala Jubaland.

Wuxuu Madaxweynahu Sarakiisha uga mahadceliyay iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo howlgalka la dagaallanka Khawaariijta, iyo kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahaayeen howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Khawaariijta, kuwaas oo ka dhacay deegaano kala duwan oo Jubaland ka tirsan.

Madaxweynaha ayaa sarakiisha Ciidamada howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah AFRICOM ku ammaanay geesinimada iyo wada shaqeynta ay muujiyeen, wuxuuna si rasmi ah u guddoonsiiyay Bilad Sharaf iyo Shahaado Mahadcelin, isagoo uga mahadceliyay doorkooda muhiimka ah ee taageerada dhinacyada badan ee amniga Jubaland.

WARARKII KALE

Puntland oo mamnuucday shirar siyaasadeed oo ka dhan ah Deni in lagu qabto Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa mamnuucay qabashada shirar siyaasadeed oo aan...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Muuse Biixi oo Cirro ku eedeeyay marin-habaabin iyo safarro qarsoodi ah

Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa...

Ciidanka Uganda ee AUSSOM oo yeeshay taliye ku xigeen cusub

Ciidanka Difaaca Uganda ee, kana tirsan howlgalka Midowga Afrika...

Maraykanka oo shaaciyay inuu joojinayo taageerada howlgalka AUSSOM dhammaadka 2026

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u sheegtay inay...

Shixnad la sheegay inay Israa’iil ka timid oo soo gaartay Muqdisho

Warbaahinta laga leeyahay Lubnaan ee Al-Mayadeen ayaa baahisay warbixin...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles