Dagaal qaraar oo saaka ka qarxay Degmada Luuq

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo wada dega degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka xoogeysa uu ka socdaa Meel qiyaastii 30 KM u jirta degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Labada dhinac ayaa la soo werinayaa in hubka noocyadiisa kala duwan ay isku adeegsanayaan, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi ku darayo inuu jiro khasaare soo gaaray dhinacyada ku dagaalamaya duleedka degmada Luuq, inkastoo aan si rasmi loo ogaan karin tirada dhimashada iyo dhaawac, maadaama dagaalka uu weli socda.

Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo horey ugu baxay xiisaddan ayaa ku guuleysan waayay xalkeeda, waxaana mar kale dib u qarxay dagaalka labada beelood.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa horey waxaa heshiis u kala dhex dhigay madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, inkastoo heshiiska uu fashilmay, maadaama dhinacyada ay saaka ku dagaalamayaan degmada Luuq.

  • Ma cadda Tilaabada ay qaadi doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo ku aadan siddii loo damin lahaa colaada ka soo cusboonaatay degmada Luuq.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles