Maraykanka oo Weerar kale ka Fuliyay Badweynta Baasifigga

Taliska Maraykanka ee SOUTHCOM ayaa xaqiijiyay inay laba qof ku dileen weerar cusub oo ay ka fuliyeen bariga Badweynta Baasifigga.

Taliska ayaa dadka la dilay ku tilmaamay “argagixiso-narco,” balse ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaya in markabkaas uu siday daroogo.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhimasho keena ee maamulka Trump uu fuliyo sannadkan cusub ee 2026, sida ay sheegtay Airwars.

Khasaaraha guud ee ololahan milatari ayaa hadda gaaray 128 qof, iyadoo la diiwaangeliyay in ka badan 34 weerar tan iyo bishii Sebtembar 2025.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradan, iyagoo ku tilmaamay kuwo baal-marsan sharciga caalamiga ah iyo xeerarka badda.

Jeneraal Francis L. Donovan oo maanta xilka la wareegay ayaa amray weerarkan, taas oo muujinaysa in Maraykanku sii kordhinayo isticmaalka cududda milatari.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles