Dagaal siyaasadeed oo ka dhex qarxay Xasan Sheekh iyo Qoor qoor

Waxaa banaanka u soo ifbaxay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kadib tallaabooyin is khilaafsan oo laga qaaday taliska Booliska Galmudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa galay wajigii ugu cuslaa ee iska hor imaad siyaasadeed, iyadoo saaka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano uu magacaabay Taliyaha Booliska qeybta Galmudug.

Korneel Maxamed Daahir oo horey u ahaa Taliyaha guutada ilaalada madaxda qaranka iyo hay’adaha dowladda (VIP), ayaa loo magacaabay xilkaasi.

Saacado kadib, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si deg deg ah u buriyay warqaddii magacaabista dowladda Federaalka, isagoo dib xilka ugu celiyay Korneel Khaliif Cabdulle Maalin oo horey u hayay xilka Taliyaha Booliska Galmudug.

Tallaabadan ayaa ah mid muujineysa in khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo maamulka Galmudug uu gaaray heer cusub, islamarkaana labada dhinac ay si toos ah ugu loolamayaan awoodda maamulka iyo amniga gudaha Galmudug.

Arrintan ayaa sidoo kale loo arkaa inay tahay kala fogaansho sii xoogeysanaya oo ka dhex taagan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Qoorqoor, xilli horey loo hadal hayay khilaaf ku saabsan arrimaha doorashada iyo maamulka siyaasadda Galmudug.

Waxaa hadda si weyn isha loogu hayaa tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, maadaama xiisaddan siyaasadeed ay saameyn ku yeelan karto amniga iyo xasilloonida maamulkaasi.

Horey ayaa waxaa sidan oo kale tallaabooyinkan u qaaday madaxweynihii hore ee KGS Cabdi casiis Lafta gareen, iyadoona ugu dambeyn laga ceyriyay Magaalada Baydhabo

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles